Duqa Caasimadda Garoowe oo beeniyay warar laga faafiyay magaalada

Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been-abuur ah oo ku saabsan in Garoowe ay ka jirto xiisad la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Hadal kooban oo uu siiyay Puntland Post ayuu ku sheegay in aysan waxba ka jirin wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in malayshiya-beeleed hubaysan ay ku sugan yihiin Garoowe.

Waxaan dadweynaha u xaqiijinaya in aysan jirin wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu faafiyay. Wax dhibaato ah kama jirto Caasimadda. Dadka wararkaas faafinaya haka waan-toobeen” ayuu yiri duqa degmada.

Garoowe ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto shan kamid ah kuraasta aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST