Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa saaka bannaan-bax ku taageeraya Baarlamanka waddanka Ingiriiska oo maalmo ka hor dood ka yeeshay Aqoonsiga Somaliland.
Qaar kamid ah Shacabka Hargeysa oo lulaya Calanka dowladda UK iyo kan Somaliland ayaa u soo baxay beerta Xorriyadda Hargeysa si ay u muujiyaan taageeradooda ku aaddan doodii Baarlamanka Ingiriiska.
Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay kalmado u jeediyaan dadweynaha ku bannaan-baxaya beerta xorriyadda Hargeysa.
Arrintaas ayaa ku soo beegantay xilli Baarlamanka UK dhowaan dood ka yeeshay Aqoonsiga Somaliland inkastoo aysan jirin wax go’aan ah oo ka soo baxay doodaas.
PUNTLAND POST