
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaaMuqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta u jooga Soomaaliya, Maxamed Axmed Al-cusmaan, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Wasiirka ayaa la wadaagay Danjiraha sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga xuntahay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaashi ay waxyeelladu ka soo gaartay falkaas arxan darrada ahaa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo, horumarinta iskaashiga dheef-wadaagga ah iyo wax wada qabsiga labada dal.
Todobaadyadii la soo dhaafay Xukuumadda Federaaka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xiriir joogto ah la sameyneysay dowladda Imaaraadka Carabta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu xumaa xiriirka labada dowladood.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.