Puntland oo sheegtay in lagu guulaystay wejiga kowaad ee nabadayntii Saax-maygaag iyo Senge

Puntland ayaa xaqiijisay in dhinacyadii ku dagaallamay Saax-maygaag ay si buuxda u fuliyeen dhammaan go’aannadii ka soo baxay shirkii nabadaynta Hadhwanaag.

Sidaas waxa sheegay guddi ka kooban mas’uuliyiinta dowladda oo qaabilsan dhaqan-gelinta go’aannadii ka soo baxay shirkaas.

Guddiga ayaa tilmaamay in lagu guulaystay wejiga kowaad ee nabadaynta Saax-maygaag iyo Senge-jebiye islamarkaana loo gudbayo wejiga xiga si loo dhammaystiro.

Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay kaalinta ay nabadaynta ka qaateen hoggaanka dhaqanka labadii dhinac ee dagaallamay.

PUNTLAND POST

Abdourahman Isse