Madaxweyne Deni oo wasiir u magacaabay Axmed Yaasiin Saalax

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Axmed Yaasiin Saalax u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

Axmed Yaasiin Saalax ayaa dowladdii Cabdiweli Gaas mar soo noqday wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland, wuxuuna baddelay Maxamed Cabdi Majiino oo ka mid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Xasan Cabdalle Xasan u magacaabay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

Xasan Cabdalle Xasan ayaa mar soo noqday Duqa Boosaaso, wuxuuna baddelay Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera-dile) oo hadda ah Duqa KMG ah ee degmada Boosaaso.

Hoos ka akhriso wareegtada Madaxweyne Deni.

Garoowe: 21 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 21ka January 2022 kuna magacaabid Wasiir, iyo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

1. Waxaa Axmed Yaasiin Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

2. Waxaa Xasan Cabdalle Xasan loo magacaabay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST