![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2022/01/FB_IMG_1642772998694.jpg?resize=720%2C540&ssl=1)
Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo jeedo gobolada waqooyi (Somaliland) ayaa sheegay in ay ka baxeen doorashada Soomaaliya.
Xubno ka tirsan xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid yahay Cabdi Xaashi iyo oday dhaqameedyo uu ka mid yahay Boqor Buurmadow oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa tilmaamay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu faragelin ku hayo maamulka doorashada gobolada waqooyi (Somaliland), sidaas darteedna ay u go’aansadeen in ay ka baxaan doorashada Soomaaliya.
Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa sheegay in ay u caddeynayaan Beesha Caalamka iyo cidda kale ay qusayso doorashada Soomaaliya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu faragelin iyo boob ku hayo doorashada gobolada waqooyi.
Waxay codsadeen in doorashada loo qabto si la isla ogyahay, isla markaana la joojiyo jadwalka doorashada gobolada waqooyi ee dhawaan la soo saaray.
Hoos ka daawo shirka jaraa’id.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.