Faallo kooban: Yaa loo saadaalinaya Doorashada berri ka dhacaysa Garoowe?

Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in Sabtida  berri ah lagu doorto Caasimadda Garoowe.

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland, ayaa maanta dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan Kuraastaas, ee buuxiyay Shuruudaha laga doonayo.

Haddaba, waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa faallo kooban oo ku saabsan dadka loo saadaalinayo in ay ku soo baxaan Doorashada berri.

#Hop196 Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan: Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland, oo kursigiisa laga soo doorto degmada Taleex ee Gobolka Sool u dhashay Beesha Nuur Axmed (Dhulbahante).

#Hop166 Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir: Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliya xilligii Cabdullaahi Yuusuf oo kursigiisa laga soo doorto degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, una dhashay Beesha Maxamed Mu’min (Leelkase)

#Hop249 Cabdullaahi Xasan Rooble: Wasiru-dowlaha Waxbarashada Puntland oo kursigiisa laga soo doorto xarunta Gobolka Cayn ee Buuhoodl,e kana soo jeeda Beesha Hayaag (Dhulbahante).

#Hop200 Cali Yuusuf Cali Xoosh: Xildhibaan heer Federaal ah, islamarkaana Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Puntland, oo laga soo doorto Gobolka Nugaal Caasimadda Garoowe, una dhashay Beesha Ciise Maxamuud (Majeerteen).

Hop235 Cabdullaahi Bidhaan Warsame: Xildhibaan iyo wasiir heer Federaal oo laga soo doorto degmada Xuddun ee Gobolka Sool, una dhashay Beesha Naaleeye Axmed (Dhulbahante).

PUNTLAND POST

Abdourahman Isse