Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Durraan Axmed Faarax oo maalmahan ku sugnaa Garoowe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.
Wasiir Durraan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada kursiga Hop-166 ee laga soo doorto degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, wuxuuna tilmaamay in kursigaas loo maamulay si ka baxsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay islamarkaana aan xulista ergadiisa wax door ah laga siin nabaddoonada beesha leh kursiga.
Wasiir Durraan ayaa ku eedeeyay Guddiga Doorashooyinka heer Puntland kuwo aan madax bannaanayn oo laga maamulo madaxtooyada Puntland.
PUNTLAND POST