Qaybta kowaad : Dhismihii Puntland, kaalintii isimada iyo aragtiyihii la isku khilaafay (1998)
Sagaal sano ka dib burburkii dawladda Soomaaliyeed dadka Puntland oo ay hormuud u yihiin siyaasiyiinta iyo hoggaan dhaqameedka oo is kaashanaya waxay go’aansadeen in maamul loo dhiso goboladii Bari, Nugaal, waqooyiga Mudug, Sool, koonfurta Sanaag iyo degmada Buuhoodle. Isimadu waxay ka soo qaateen kaalin hormuudnimo, la’aantood Puntland madhisateen taasna waxaa daliil u ah khliaafkii iyo aragtiyihii ay kala qabeen siyaasiyiintu lagama gudbeen haddaan isimadu kaalin weyn ka qaadan. Laba aragtiyood ayey kala qabeen siyaasiyiintu, aragtida kowaad waxaa qabay siyaasiyiin uu hormuud u ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed ilaahay ha u naxariisto isaga iyo dhammaan intii kale oo dhimatay. Aragtidoodu waxay ku salaysnayd in maamulku ka koobnaado dhammaan gobolada dadka hartiga iyo guud ahaan daaroodku ay degaan oo aan kor ku soo xusnay magacyadooda.
Aragtida labaad waxay ku salaysnayd in maamulka la dhisayaa ka koobnaado gobaladii la’ dhihi jiray waqooyi Bari Soomaaliya oo kala ahaa Bari, Nugaal iyo waqooyiga Mudug. Waxaana siyaasiyiinta aragtidaas qabay hormuud u ahaa Maxamed Abshir Muuse ilaahay ha u naxariistee isaga iyo intii kale oo dhimatayba.
Aragtida kowaad waxay doodeedu ahayd in dadka Hartiga iyo daaroodka ah oo gobaladaas degan ay muhiim tahay xoogooda, waxwadaagooda iyo wadajirkooduna uuna wax weyn soo kordhin doono maadaama ay ahaayeen dad uu gumaysigu kala qaybiyey juqoraafi ahaana uu xuduudo u sameeyey boqolaal sano ka hor, wacyiga markaas jirayna uu kalifayey in sidaasi ay lagama maarmaan tahay.
Aragtida labaad ayaa ahayd mid taas ka soo horjeeda òo doodeedu ku salaysnayd inay fiican tahay in laba maamul la kala dhisto labadaas maamulna ay noqdaan kuwa iskaaashada samaynta hal maamulna ay noqnayso culays aan is qaadi karin maamul ahaan ayna abuuri doonto khilaafyo kale oo saamayn ku yeelan doona taabo gelinta maamulka la qorshaynayo in la dhiso.
Halkaas markay marayso dadkiina labadaas aragtiyood kala raaceen in kasta ay dadku u badnaayeen taagerista aragtida kowaad hadana waxaa lagama maarmaan noqotay inay isimadu labadaas aragtiyood ka garnaqaan sidaan mar hore sheegayna iyagu mar walba go, aankooda waxay ku saleeyaan waaqiciga iyo duruufaha markaas horyaala. Isimo uu hormuud u yahay Islaan Maxamed Islaan Muuse waxay gaashaanka u daruureen aragtidii siyaasadeed ee Maxamed Abshir Muuse iyo Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse King-kong ay qabeen waxayna si buuxda u taageereen argatidii siyaasiyiinta Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayey ay qabeen taasoo keentay inuu shirku najaxo Cabdullaahi Yuusufna Madaxweyne loo doorto.
In kastoo Maxamed Abshir uu ka huleelay siyaasaddii Puntland dib damena uusan ugu soo noqon ilaa dhimashadiisii uu dalka Maraykanka ku dhintay laakiin Boqor King-kong iyo Xasan Abshir oo isagu markaas hore ula safnaa Cabdullaahi Yuusuf hase yeeshee ay mar dambe isku dhaceen ka hor shirkii Carta waxay dabaakh siyaasadeed la galeen Cabdullaahi Yuusuf sheekadaas oo aan mid ka mid ah qormooyinka soo socda ku qaadaa dhigi doono haddii ilaah idmo.
Sanadkii 2000 ayaan Maxamed Abshir kula kulmay Jabuuti isagoo markaas ka soo laabtay Hargaysa wuxuu ii sheegay inuu halkaas kula soo kulmay Maxamed Ibraahim Cigaal ayna is cafiyeen labadoodu maadaama lixdamaadkii loolan siyaasadeed uu mar dhexmaray wuxuu kaloo ii sheegay inay ka sheekeysteen sidii Soomaaliya xal loogu raadin lahaa.
Aniga oo markaas ka mid ahaa Agaasimayaashii uu magacaabay Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee ugu horeeyey markii dawladda Puntland la dhisay waxaan xaajiga uga waramay safarkayga aan markaas ugu socday Port Suudaan ee dalka Suudaan oo aan uga qayb galayey shir looga hadlayey arrimaha badaha gaar ahaan bada cas iyo gacanka cadmeed oo aan markaas ka qayb galayey. Xaajigu aad buu ugu farxay durba horumarka ay Puntland gaartay wuxuuna igu yiri “adeer anagu ragayagii rabay in dhismaha maamulka lagu koobo sadex gobol maanaan diidanayn dadka ehelka ah isu imaatinkooda laakiin waxaa noo muuqaneyey waxyaabo kale oo laga yaabo inay dadku dareemaan muddo ka dib 30 illaa 40 sano ayuu xaajigu igu yiri”
Hadaba maxay tahay casharada aan ka baranayno taariikhdaas? Waxaan is leeyahay waa sida hoos ku qoran:-
1. Kaalinta isimadu inay weligeed ahayd mid hormuudnimo ah xaga nabada iyo dawlad dhisida labadaba.
2. Dawladimada Puntland iyo guud ahaan tan Soomaaliya waxaa saldhig u ah qabiilka inta xaalku sidaas yahayna kaalinta isimadu waa jiraysaa inta laga helaayo siyaasad ku salysan asxaab fikir ku dhisan oo aan qabiil shaqo ku lahayn.
3. Samirka iyo dulqaadku inuu fiican yahay sida Maxamed Abshir iyo ragii la fikir ahaa sameeyeen markii siyaasadii lagaga guulaystay, jaanis bay siiyeen Cabdullaahi Yuuusf si uu maamulkii u hirgeliyo isaguna wuxuu ahaa hoggaamiye dulqaaad siyaasadeed leh oo qofka ka aragti duwan isku daya inuu raadiyo ama qanciyo intii suurtagal ah xataa haddii uu dagaal xabadeed dhex maro. Sheeko arrintaas ku saabsan ayaan ka warami doonaa inshalaah.
4. Isim iyo siyaasi isku reer ka soo jeeda inay siyaasadda isku khilaafi karaan aragtidana ku kala duwanaan karaan . Arrintaasu maaha arrin cusub ee wax badan baan soo aragnay.
Qaybta 2aad. Bilawgii dhismaha iyo taabagalka maamulka Puntland, Khilaafkii iyo Caqabadihii soo wajahay (1999-2001).
Qaybtii kowaad waxaynu kaga soo hadalnay dhismihii maamulka Puntland, aragtiyihii siyaasiyiintu kala qabeen iyo kaalintii guud ahaan isimada Puntland ay ku lahaayeen dhismaha maamulka Puntland iyo ugu damayntii casharada aynu ka baran karno taariikhdaas. Qaybta labaad waxaynu xooga saari doonaa inaan wax ka niraahno dhismihii xukuumaddi u horeysay iyo Qaabkeedii, dadaalkii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo maamulkiisii u galeen dhismaha hay;adaha dawladda iyo xaalku sida uu ahaa, caqabadihii soo wajahay maamulka Cabdullaahi Yuusuf sanadkii u dameeyey sida khilaafkii shirka Carta iyo saamayntii uu ku yeeshay Puntland, khilaafkii dastuuriiga ahaa ee dhexmaray Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Dr. Yusuuf Xaaji Nuur, khliaafkii dhexmaray isimada iyo Cabdullaahi Yuusuf, taageristii isimada ay taageereen Dr. Yuusuf Xaaji NUur, inqilaabkii Boosaaso ee maamulka dekeda iyo garoonka lagala wareegay Cabdullaahi Yuusuf maamulkiisii , isku daygii fashilmay ee Cabdullaahi Yuusuf isku dayey inuu ku soo cesho dekeda iyo garoonka iyo ugu damayntii gabagadii maamulkiisa iyo isagoo ka huleelay xilli habeen ah madaxtooyada Garowe una jiheystay xagaas iyo magaalada Gaalkacayo. waxaynu ku soo kufin doonaa wixii qaldamay iyo casharada laga baran karo taariikhdaas kooban.
Markii la doortay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu dhisay dawlad kooban oo ka kooban Sagaal wasaaradood keliya waxay ahayd dawladii ugu koobnayd ee abid Puntland soo marta hase yeeshee tan iyo xukuumadihii ka dameeyey waagaas tirada wasaaradaha, wasiiradda iyo ku xigeenadu waa sii badanayeen ilaa ay hadda tirada wasiiradu marayso lixdan iyo ka siyaado. Ma jirin waagaas xafiisyo lagu shaqeeyo oo madaxwynaha iyo wasiiradiisu ku shaqeeyaan. Madaxtooyadii ugu horeysay waxaa laga dhigay iskuul farsamo oo markii dawladu dhacday uu dhisay bangiga islaamku kaas oo dhowr qol ka koobnaa, waa iskuulka farsamada ee hadda ka dameeya dugsiga saree e Gambol iyo jaamacadda PSU.
Nasiib wanaag Garowe waxaa ku yaalay guryo dawladeed oo xiligii dawladdii kacaanka iskaa wax u qabso lagu dhisay, dawladii markaas jirtay iyada oo kaashanaysa dadweynaha iyo waxgaradka magaalada Garowe oo ay ugu horeeyeen hogaanka dhaqanku waxaa lagu dhaqaaqay in la baneeyo guryihii dawladda oo xiligaas dad qaxooti ahi deganaayeen, dayactir kooban oo lagu sameeyey dabadeed halkaas baa wasaaradihii wasaarad weliba degtay dhowr qol oo isu duwaha gobolku ku shaqayn jiray markii dawladdii kacaanka ahayd jirtay iyo ka horba hase yeeshee meesha aad looga faa’iiday oo wasaarado badani degeen waxay ahayd xaruntii dalxiiska oo guryo gaagaaban ay ku oolaayeen halkaas oo wasaarado badan xafiisyo ka dhigteen qaarkoodna ilaa hada ay degan yihiin.
Horumar fiican baa la sameeyey muddo kooban dawladu waxay ku guulaystay inay qaado isbaarooyin fara badan oo wadooyinka yaalay isla markaasna la qarameeyey maleeshiyaadkii qabaa’ilka lana tababaray, waxaa la sameeyey miisaaniyad, waxaa la qoray shaqaale kooban oo wasaaradahu yeesheen sidoo kalena waxaa la mideeyey dakhligii dawladda oo la sameeyey khasnad dhexe oo dakhliga dawladda lagu aruuriyo.
Dawladnimadii waa la dhaqaajiyey wada shaqaynta dadka iyo dawladuna aad buu u fiicnaa, hase yeeshee dawladu kuma dhiiran ama lama imaan qorshe ay markaas dadka ugu baaqdo hub ka dhigis oo ay qabaa’ilka hubka kala wareegto inkastooba ay iska yarayd xiligaas qabaa’ilka hubka waaweyn hasytay.
Qoladii bulshada caalamka ayaa markaas bilawday inay wada shaqayn la sameeyaan wasaaradaha dawlada. Markii Puntland la dhisayey bulshada caalamku aad bay u diidanaayeen dhismaha Puntland oo Shan gobol ka kooban waxy la safnaayeen oo ay aragtidooda raacsanaayeen siyaasiyiintii aan qoramadii hore ku soo xusnay aragtidooda oo ahayd in dhsimaha Puntland Saddex gobol lagu soo koobo. Waxaan xasuustaa inay wafdiyo badan dhowr goor ku yimaadeen oo iska soo daba noqdeen iyagoo dhiirinaya in dhismaha Puntland saddex gobol lagu koobo kana soo horjeeday in Sool, koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle ka mid noqdaan Puntland. Deeqdii bulshada caalamku ay Puntland siinayeen xiligaas waxay ku koobeen saddexdii gobol oo Waqooyi Bari la isku oran jiray, iyagoo diiday inay gaarsiyaan gobalda kale oo ay u bixiyeen gobolo lagu muransan yahay, arrinkaasu muran badan buu ka dhex dhaliyey maamulkii markaas jirey iyo bulshada caalamka, murankaas oo ilaa hadda sii jira.
Hadaba iyadoo xaalku halkaa marayo maamulkuna sii kobcayo dadkuna aad isugu duuban yahay ayaa waxaa bilawday qaban qaabada shirkii Carta, maamulkii Puntland waa diiday inuu ka qayb galo sida Somaliland iyo qab qablayaashii koonfurtu ay u diideen, markaasna waxaa jiray wada hadalo hoose oo u dhexeeyey Cabdullaahi Yuusuf, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo markaas madaxweyne ka ahaa Somaliland iyo siyaasiyiin reer koonfureed ah, kuwaas oo si hoose u qalqaalinayey in shir nabadeed iyo dib u heshiineed Somaliland ay ku qabato Hargaysa, kaasoo uu garwadeen ka yahay Maxamed Xaaji Ibaraahim Cigaal laguna heshiisanayo koonfurta Soomaaliya, arrinkaas oo markaas socda ayaa Madaxweynaha Jabuuti tegey Qaramada Midoobay oo uu shirkii dib u heshiinta Carta ku baaqay.
Diidmadaas maamulka Puntland diiday dad badan baan garaysan oo isimo ka mid yihiin kuwaas oo ka qayb galay shirkii iyaga oo matelaya Puntland, wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga Puntland ilaahay ha u naxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Cabdullaahi Yuusuf, khilaafkaas oo intiisa badani salka ku hayey ka qaybglka shirkaas, Xasan Abshir waa is casilay dabadeedna wuxuu ka qayb galay shirkii isaga oo shir guddoon ka noqday shirkaas. Shirkaas Carta saamayn weyn buu ku yeeshay Puntland dad badan oo isimo ka mid yihiin ayaana ganafka ku dhuftay go, aankii dawladda oo shirkaas ka qayb galay.
Halkaas markay marayso ayaa waqtigii saddexda sano ahaa oo Madaxweyne Cabdullahi yusuf la doortay uu dhamaaday, waxaa markaas jiray axdi qarameed (charter) ku qornaa in mudadadaas gudaheeda lagu sameeyo dastuur, la furo hanaan xisbiyo badan isla markaasna laga guuro nidaamka qabiilka, haddii sidaas la yeeli waayo waxaa ku qornayd waxaa talada la wareegaya guddoomiyaha maxkamadda sare oo markaas waxaa ahaa Dr. Yuusuf Xaaji Nuur ilaahay ha u naxariistee, Cabdulaahi Yuusuf wuxuu fariisiyey baarlamaankii isla markaasna waxaa la badelay qodobkaas laba sano-na waa loogu kordhiyey inkasta oo baarlamaanku isku khilaafay arrinkaas oo guddoomiyaha markaas joogey Yusuuf Xaaji Siciid iyo xubno badan oo la socdaa ay khilaafeen arrinkaas. Shirka baarlamaanka waxaa guddooominayey ku xigeenkii kowaad oo xiligaas ahaa mudane Kulan oo hadda ah wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Puntland xilal fara badana federaalka ka soo qabtay intii xiligaas ka damaysay.
Ma jirin Maxkamad dastuuri ah oo dhisnayd inkasta oo axdi qarameedku qabay in la sameeyo sidoo kale waxaa kala jabay baarlamaankii iyo garsoorkii labadaba oo kala raacay labadii oday, khilaaf baa markaas cirka isku shareeray, Cabdulaahi yusuf oo madaxweyne sheeganaya iyo YUusuf Xaaji NuUr oo isna madaxweyne sheeganaya, baarlamaankii iyo garsoorkii oo laba u kala jabay iyo sidoo kale bulshaddii Puntland oo sidaas ku qaybsantay. Isimadii Puntland ayaa meeshii maxkamad dastuuri ah ka noqday waxyna taageereen Dr. Yuusuf Xaaji Nuur iyagoo barnaamijkii Cabdullaahi Yuusuf waxba kama jiraan ka soo qaaday.
Khilaafkaas waxaa ka faa’iidaystay dawladdii Carta khaas ahaan Xasan Abshir Faarax iyo Cabdullaahi Boqor Muuse oo dawladaas ka kala ahaa Wasiirka Kalluumaysiga iyo Wasiirka Gaashaandhiga siday ukala horeeyaan. Sidoo kale Cali khaliif Galayr ilaahay ha u naxariistee oo Raysul Wasaare ahaa iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan oo isna Madxaweyne ahaa ayaa iyaguna hawsha gacan weyn ku lahaa oo rabay in Cabdullaahi Yuusuf meesha laga tuuro. Khilaafkii Puntland ka aloosmay dawladdii Carta oo tabarta darayd baansiin bay ku sii qabatay lacago badan baa xamar laga soo waariday oo lagu taageerayo.
Sidaan qormadii kowaad ku xusay Xasan Abshir iyo Boqor Kin-kong aarsi siyaasadeed bay la cayaareen Cabdullaahi yuusuf, maadaama midna ay is qabteen xiligii dhismihii Puntland kan kalena xiligii dhismihii dawladdii Carta. Khilaafkaas labada garab ah oo aloosmay iyo baansiinkii ay ku daaratay dawladdii Carta wuxuu sababay lagana shaqeeyey in maadaama Boosaaso ay tahay isha dhaqaale oo markaas iyo hadaba maamulka Puntland ku tiirsan yahay in lala wareego dekeda iyo garoonka, si fudud ayey saraakiishii ciidanka ahaa markaas xakumaysay ugu dhawaaqeen in Dr. Yuusuf Xaaji Nuur yahay madaxweynaha sharciga ah isla markaasna ay isaga ka amar qaadan doonaan. Ciidankuna la wareegeen saldhigyadaas amarkooda. Cabdullaahi Yuusuf ayaa markaas ciidan uu hogaaminayo ka soo kaxaystay Garowe wuxuuna yimi garoonka Boosaaso oo dagaal ka dhacay in kasta oo uu qabsaday garoonkii hadana markuu qiimeeyey kacdoonkii magaalada ka jiray iyo guud ahaan gobolka Bari ayuu dib ugu kooraystay xagaas iyo Garowe, maalmo ka dibna markii uu arkay kacdoonka Garoowe ka jira ayuu iyadana xilli habeen ah u kooraystay xagaas iyo magaalada Gaalkacayo.
Hadaba Maxaa qaldamay maxayse yihiin casharada laga baran karo taariikhdaas?
In kastoo Marxuum Cabdullaahi Yuusuf ku dadaalay dhismaha iyo horumarinta maamulka hadana kuma dadaalin dhismaha maxakmadda dastuuriga ah taasoo keentay inay isimadu ka garnaqaan markii khilaafka dastuuriga ahi dhexmaray isaga iyo Dr Yuusuf Xaaji Nuur. Xiligii dadku isku duubnaa lagama faa’iidaysan in la isku dayo lana dhaqaajiyo hub ka dhigis guud oo lagu sameeyo beelaha sidii uu Somaliland ka sameeyey Marxuum Ibraahim Xaaji Cigaal. In kasta oo axdi qarameedku farayey in la diyaariyo nidaam asxaab badan oo doorasho qof iyo cod ah hadana Marxuum Cabdullaahi Yuusuf hawshaas iskuma deyin.
FG. Qormada soo socota waxaynu ku qaadaa- dhigi doonaa doorashadii Jaamac Cali Jaamac, doorkii isimada ee doorashadaas, weerarkii Cabdullaahi Yuusuf ee xaruntii Jaamac Cali Jaamac ee Garowe, u baxsashadii Jaamac ee Boosaaso, is horfadhigii Garowe iyo dib u qabsashadii Cabdullaahi ee Puntland, Baxsashadii Jaamac Cali Jaamac iyo asaaskii Jamahaddii Bad-baadinta Puntland (JBP) ee marxuum Cade Muuse hoggaaminayey.
La soco Khamiista dame
Ahmed Said Nur