Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu gaaray Addis Ababa, caasimadda Itoobiya. Waa booqasho ku soo beegantay xilli Geeska Afrika uu marayo marxalad aad u eg xilligii Ururkii Qaramada (League of Nations) jiray, xilligaas oo dagaalkii labaad uu socday, qaaradda Afrikana badankeed ay ku hoos jirtay gumeysi. Xilligaas Itoobiya dal jira bay ahayd; dal Soomaaliyeed ma jirin. Maanta Itoobiya waa dal jira, Soomaaliya waa dal qarannimo ahaan jira laakiin u dhaqmaya sida beelihii qarnigii sagaal iyo tobnaad heshiiska la galay Imbaradooriyaddii Biritishka. Marinka ka faa’iideysiga Soomaaliya loo soo marayo waa qaranka Soomaaliyeed dekadiiisa, oo maanta ku jira maamullo Soomaaliyeed ka madaxbannaan dowladda dhexe maamul ahaan.
Marka Abiy Ahmed la kulmayo Muuse Biixi waxaa Ra’iisal Wasaaraha Xabashida hor yaalla gal lagu soo koobay taariikhda Itoobiya dhowr iyo sagaashankii sano ugu dambeeyay (1930-2021). Wuu og yahay in Soomaalidu burburisay keyd taariikheedkeedii — arkiibayada (archives).
Abiy wuxuu soo akhrisan doonaa gal xog kooban xambaarsan. Waxaa xogta ka mid ah: in Muuse Biixi Cabdi ahaa sarkaal sare oo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsanaa, inuu soo qaatay tababbar ciidan oo aad u heer sarreeya, inuu siddeetamaadkii ku sugnaa Itoobiya isaga oo ka mid ahaa ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement).
Xogaha kale oo Abiy Ahmed loo soo kaabay waxaa ka mid ah xiriirkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Maxmiyaddii Biritishka ee Soomaalida ka hor 26kii Juun 1960kii. Wuu og yahay ama wuu ogaanayaa in colaadda Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmartay lixdamaadkii, toddobaataneeyadii iyo siddeetameeyadii ay ku salaysnayd dhulkii Soomaaliyeed oo ay Imbaraddooriyaddii Biritishku ku dartay Itoobiya kaddib markay jebisay heshiiskii ay beelaha Soomaaliyeed la gashay. Taasi macnaheedu waa: daah kama saarnaan doonto Abiy Ahmed in Hargeysa tahay xuddunta qarannimodoonka Soomaalida waayo waa magaalada calanka Soomaaliyeed laga taagay koonfurta oo aan weli ka bixin gobanimo-gaarsiin (trusteeship).
Abiy Ahmed wuxuu laba sano ka hor sheegay in Itoobiya jirayso hase ahaatee hoggaamiyeyaashu kala dambeeyaan. Muu ka maarmayo inuu dib u eego siyaasaddii Itoobiya ku aaddanayd Waqoooyiga Soomaaliya markuu maxmiyadda ahaa iyo markuu ka mid noqday Jamhuuriyadda Soomaaliya. Wuxuu ogaanayaa in Maxamed Ibraahim Cigaal, oo ahaa Guddoomiyihii SNL, uu 1959kii Imbaradoor Xayle Salaase u soo qoray warqad isagoo ka dhiidhiinayay xasuuq Xabashidu u geysatay dad Soomaaliyeed oo ku noolaa dhulka Xabashida lagu wareejiyay. Wuxuu kale oo ogaanayaa in Itoobiya diiddanaynd in Waqooyiya iyo Koonfurtu Midoobaan waayo Xayle Salaase wuxuu madaxbannaanida Soomaalida u arkayay mid Itoobiya halis ku ah. Wuu ogaa inuu dhul Soomaaliyed xoog ku haysto, wuu ogaa in godobta uu Soomaali ka galay marku ahaa guddoomiyihii Harar. Wuxuu u arkayay midowga Waqooyi iyo Koonfur raadinta Soomaali Weyn. Xayle Salaase wuxuu rabay in Maxmiyaddii Biritishka ee Waqooyiga Soomaaliya ay ku biirto Itoobiya. Wuu ku hungoobay himiladaas.
Xogta siyaasiga Soomaaliyeed wax ka dheefi lahaa marka uu safar noocan oo kale galayo waxay ku baabba’day Muqdisho 1991kii. Madaxdii berigaa wadday dagaalka dowladdii miliatriga ka dhanka ahaa way garan waayeen inay badbaadiyaan keyd qoraalladii dowladdii miliatrigu ka dhaxashay dowladihii iyo maamulladii ka horreeyay.
Biixi lama kulmayo oo keliya Abiy, wuxuu la kulmayaa taariikh taagaan, halka Soomaalidu lumisay taariikhdeedii hay’adeed (1930-1991). Abiy wuxuu dhaxlay siyaasad Itoobiya saami dekedda Berbera ugu yeelatay, Soomaaliya oo dowlad la aqoonsan yahay leh, Somalilandna sheeganayso inay tahay dal Soomaaliya ka go’ay. Sidoo kale wuxuu Abiy Ahmed la yimid siyaasad Isdhexgal dhaqaale oo ay dowladda federaalku ku taageertay 2018kii.
Dowlad taagdaran
Waa dhab in Soomaaliya leedahay dowlad la aqoonsan yahay, hase ahaatee waxaa wiiqay dowladda ku tiirsanaanta ciidammo nabad-ilaalin Afrikaan ah oo qaata in ka badan 90% yabooha magaca Soomaaliya lagu soo ururiyo waayo Soomaaliya waxaa loo arkaa dal aan lahayn dowlad wax ka qaban karta halista argagixisada ku sugan dalkeeda. Sidee danaha Soomaalida loo ilaalin karaa innagoo og in waxa Soomaalidu wadaagto uu ka weyn yahay kana waxtar badan yahay waxa ay isku maandhaafsan tahay?
Taariikhdii dhoweyd marka la eego (1978-1991), ku tiirsanaanta Itoobiya waxay Soomaalidu kala kulantay guuldarrooyin siyaasadeed. Ururkii ugu horreeyay oo Itoobiya gacansaar la yeeshay ( SSDF) wuxuu burburay siddeetamaadkii, hoggaamiyihisii wxuu Addis Ababa ku xirnaa ku dhowaad lix sanadood. Ururukii labaad (SNM) waxaa galaaftay heshiiksii taliskii Dergiga iyo dowladdii militariga ee Soomaaliya dhexmaray 1986kii. Ururki seddeexaad (USC), oo Rooma lagu asaasay laakiin laga soo hubeeyay Itoobiya, waa ururka gebi guddoomiyay burburka dowladnimada Soomaaaliyeed kaddib markii madaxdii ururku wax ka qaban waayeen boobkii iyo burburintii miliishiyo beeleedku ka geysteen Muqdisho ridistii taliskii militariga kaddib.
Jabhadihii Itoobiya oo ay Soomaaliya taageeri jirtay sida EPLF iyo TPLF waxay sameeyeen isbdeddelo ka dhowray Itoobiya burbur dowladnimo, fududeeyeyna in Eritreeya qarannimo gaarto.
Garasho taariikheed
Waa inuu Madaxweyne Muuse Biixi xusuusnaado taariikhda siyaasadeed oo aynu la wadaagno Itoobiya. Garashadan taariikheed waxay ka caawinaysaa Biixi inuusan u dhaqmin sida odayaal dhaqameed dal shisheeye la xiriiraya ama qabqableyaal dowlad shisheeye ay soo taageerto, sida ay Itoobiya samaysay 2001dii markii ay soo hubeysay qabqableyaal Soomaaliyeed oo liddi ku ahaa dowladdii uu Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan hoggaaminayay.
Maanta waynu garan karnaa waxtarka qarannimo ay leedahay: Itoobiya sheegashada qarannimo ayay si sharcidarro ah ugu heshay dhul Soomaaliyeed, iskuguna dayday inay ku hor istaagto midowgii dhacay 1960kii. Sharciga calaamiga marka la eego way dhowrsan tahay sharafta dhuleed ee Soomaaliya. Sababo amni uun bay ciidammada dal shisheeye u soo gali karaan Soomaaliya laakiin ma qabsan karaan oo ma sheegan karaaan dhul Soomaaaliyeed sidii uu Mengistu Xayle Maryam u sheegtay Goldogob markii Itoobiya, oo SSDF kaashanaya, qabsatay degmada Soomaaliyeed 1982kii, kuna tumatay xeerkii Midowga Afrika (dhowrista qarannimada dalalka xubnaha ka ah ururka). Abiy Ahmed wuxuu og yahay waxa Itoobiya ka soo gaaray ku xadgudubka habka kala dambaynta adduunka xilli Itoobiya ku tiirsanayd Midowgii Soofiyeeti.
Isbarbar-yaac siyaasadeed
Halis ayaa iman karta haddii maamullo Soomaaliyeed u dhaqmaan sida dowlado madaxbannaan oo ay heshiisyo la saxiixdaan shirkado shisheeye iyagoo ka faa’iideysanaya taagdarrada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mabda’ ahaan dowlad qaran ayaa u xilsaaran ilaalinta kaabayaasha qaranka. Dooddu ma aha in dadkeenna laga hor istaago ka faa’iideysiga kheyraadkooda badda iyo dhulka; dooddu waa inaynan u baahnayn isbarbaryaac keena in siyaabo kala duwan naloo kala dillaalo.
Kheyraadkeenna waannu soo wada ilaashannay. Dowlad qaran waxay u baahan tahay inay yeelato tilmaamo muujinaya inay ka maaranto ku tiirsanaanta ciidammo nabad-ilaalin oo joogistoodu mashruuc noqotay. Madaxweyne Muuse Biixi muu aha oo keliya madaxweynaha maamulka Somaliland, waa hoggaamiye ka mas’uul ah danaha Soomaalida oo weli geelu iskugu jiro siyaasad ahaan.
Danta Soomaalidu way ka da’ weyn tahay dowladnimada Soomaalida. Waa qodob ka mid ah qodobbada inuu Madaxweyne Muuse Biixi xusuusnaado loo baahan yahay. 1968kii Ra’iisal Wasaare Maxamed Ibraahim Cigaaal wuxuu dowladda Biritishka kula garramay London. Wuxuu si cad ugu sheegay in Imbaradooriyaddii Biritishki jebisay heshiiskii ay la gashay beelaha Soomaaaliyeed iyo in ay dhul Soomaaliyeed si qarsoodi ah ugu wareejisay Itoobiya. Waa dood keeni doonta in dowladda Biritayn ay mar uun raalligelin ka bixiso jebinta heshiisyada uu Cigaal xusay. Madaxweyne Muuse Biixi waa inuusan u daymo la’aan sooyaalka siyaasadeed ee Soomaalida.
Liibaan A. Axmad
You must be logged in to post a comment.