Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo guddoomiye dooranaya

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Guddigaas.

Guddiga la magacaabay oo ka kooban 5 Xubnood ayaa laga soo xulay guddiga dhexdiisa, waxaana ay ka  Shaqeyn doonaan qabashada doorashada guddoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Guddiga xalinta khilaafaadka Heer Federaal ayaa ugu baaqay Guddiga la Magacaabay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo.

PUNTLAND POST