Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weeraro lagu qaaday dalka Imaaraadka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii shalay lagu qaaday magaalada Abu-dhabi ee waddanka Imaaraatiga Carbeed.

Weerarkaas ayaa sida la sheegay waxa fuliyay kooxda Xuutiyiinta Yemen oo Drones qaraxyo ka buuxaan ku weeraray magaalada Abu-dhabi kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku cambaareeyay weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid argagixiso.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi” ayuu yiri Wasiir Cabdisaciid.

Sidoo kale wuxu tacsi u diray Qoysaska dadkii ku dhintay weerarka “waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda”

PUNTLAND POST