Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Hirshabeelle ayaa shaaciyay kuraas kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa shaaciyay 11 kursi oo kamid ah Baarlamanka kuwaas oo dhowaan la qabanayo Doorashadooda.
Kuraastan waxa ku jira midka ay ku fadhido Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.
Sidoo kale waxa kamid ah kursiga uu ku fadhiyo xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo u sharraxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.