Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeymo Kenya ka fulisay Gobolka Gedo

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso sababta ay ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ee gobolka Gedo.

Qoraalka wasaaradda Difaaca qaranka ayaa lagu shaaciyey inay soo gaartay xogta duqeymo horleh oo loo geystay xarumaha shirkadaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya qoraalkaan waxay ku cadeysay sida ay uga xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo muwaadiniintya Soomaaliyeed, iyadoo ganacsatada shirkada Hormuud uga tacsiyeysay dhibkii loo geystay.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga waxay qoraalkaan ku shaacisay inay la xariireyso ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee xaga amniga ka caawiya Soomaaliya, si loo ogaado sababta keentay duqeymahaas.

PUNTLAND POST