Puntland oo markii u horaysay bilaabaysa Doorashada Golaha Shacabka

Puntland ayaa lagu wadaa in ay markii u horraysay Todobaadkan Caasimadda Garoowe ka bilowdo Doorashada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland ayaa qorshaynaya in uu soo saaro Jadwalka Doorashada 10 kursi oo kamid ah Xubnaha Baarlamanka ee laga soo doorto Puntland kuwaas oo horay loo shaaciyay.

Kuraastan oo dhammaan lagu qabanayo Garoowe ayaa sida wararku sheegayaan Doorashadoodu ka dhacaysa Xerada 54-aad ee Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku taalla dhinaca waqooyi ee Caasimadda.

PUNTLAND POST