
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Madaxtooyada.
Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada u magacaabay G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati).
Taliyaha cusub ayaa baddelaya Taliyihii hore Ciidanka Madaxtooyada Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo dhammaadkii sanadkii hore loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari.
Hoos ka akhriso wareegtada
Garoowe: 15 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 15-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.
*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.