Faahfaahin ka soo baxaysa nin hubaysan oo xalay lagu qabtay Boosaaso

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa nin hubaysan oo xalay lagu qabtay magaalada Boosaaso xilli uu qori ku baaranayay dadweynaha.

Qaar kamid ah shacabka Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay ninkaas kadibna isaga iyo qorigiisa ku wareejiyay Ciidanka Booliiska.

Ninka la qabtay oo Su’aalo lagu weydiiyay xarunta C.I.D-da ayaa sheegay in uu ka tirsanyahay Ciidamada dowladda Puntland.

Wuxu sheegay in uu ku dhiirran-waayay in shacabka uu rasaas la dhaco islamarkaana uu isu dhiibay dadkii cayrsaday.

PUNTLAND POST