Madaxweyne Deni oo Caawa la shiraya Madaxdii ka horraysay

Sawir hore

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Caawa la shiraya Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole.

Shirka labada dhinac ayaa ku saabsan Arrinta ka taagan magaalada Boosaaso, ee u dhexaysa Xukuumadda Puntland iyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano gaar ahaanna Go’aannadii dhowaan ka soo baxay qaar kamid ah Isimada Puntland oo uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Isimada ayaa go’aamiyay in Sarreeye Guuto, Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Agaasinka Hay’adda PSF, islamarkaana dib u heshiisiin loo sameeyo isaga iyo Madaxweyne Deni, balse dowladdu weli war kama soo saarin mowqifkeeda ku aaddan Go’aanka Isimada.

PUNTLAND POST