Shaahdoon Cali Yare
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyaha gobolka Bari u magacaabay Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon).
Cabdirisaaq Shaahdoon waa siyaasi hore xilal uga soo qabtay Puntland, isagoo wasiiro ka soo noqday wasaaradaha kalluumeysiga iyo ganacsiga, wuxuuna dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay ka maqnaa saaxadda siyaasadda Puntland.
Shaahdoon ayaa baddelaya Cabdisamed Abwaan oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso wareegtada Madaxweyne Deni
Garoowe: 13 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntlnd Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari
*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.