Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saaka dalka dib ugu soo celisay Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xirnaa waddanka Liibiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay dadkaas.
Dadka Soomaaliyeed ee laga soo celiyay dalka Liibiya waxay tiradoodu gaaraysa 97 qof waxaana ku jira shan haween ah sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
PUNTLAND POST