Siyaasiyiin ku jiray xiisadda Boosaaso oo ka hadlay go’aanka isimada

Siyaasiyiintii qeybta ka ahaa xal-u-helidda xiisadda u dhaxaysa dowladda iyo PSF ayaa sheegay in aysan talo ku lahayn go’aannadii shalay ka soo baxay qaar ka mid ah isimada Puntland.

Bayaan ay soo saareen Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynayaashii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas ayaa lagu sheegay in go’aanka isimada uusan ahayn mid wax u taraya xasilloonida iyo wadajirka Puntland.

Siyaasiyiintu waxay ku baaqeen in la ilaasho nabadda iyo xasilloonida inta markale la isaga imanayo xaaladda magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST