Madaxweyne Deni oo Muqdisho kula kulmay Danjiraha Qatar iyo Safiiro kale

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Safiirada ku sugan Muqdisho.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa la kulmay safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Per Lindgärde iyo sidoo kale safiirka Turkiga Mehmet Yılmaz iyo kan Qatar Hassan bin Hamza Hashem.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu la kulmay safiiradaas balse laguma xusin waxay ka wada-hadleen.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

PUNTLAND POST