Hay’ado ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu baaritaan ku hayo hay’ado ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku howlan arrimo sharci darro ah oo saameyn dhaqaale iyo mid hormarineedba ku leh dalka.

Xafiiska Hantidhawrku wuxuu tilmaamay in uu dabagalka ku hayo hay’ado ay ka mid yihiin wasaaradaha Kalluumeysiga, Ganacsiga, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Xafiisku wuxuu sheegay in la hakiyay ruqsadaha kalluumeysiga ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta badeecadaha oo aan loo maareyn hannaan sharciga waafaqsan.

PUNTLAND POST