Guddoomoyihii Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Galmudug ayaa maanta xilka qaadis lagu sameeyay.
Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Galmudug ayaa sheegay in ay xilka qaadis ku sameeyeen Guddoomiyihii Guddigaas Maxamed Daahir Guuleed.
Warqad ka soo baxday Guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddoomiye cusub loo doortay Maxamed Qaasim Maxamuud.
Maxamed Qaasim ayaa horay u ahaa Xoghayaha Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Galmudug.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.