Al-shabaab oo dagaal culus kula wareegtay Degaanka Qalimoow

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in saaka Al-shabaab dagaal culus kula wareegtay Degaanka Qaliloow oo u dhexeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda ayaa ka dhacay Degaanka Qalimoow halkaas oo markii dambe si buuxda Al-shabaab ula wareegtay.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkaas inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Labada dhinac ee dowladda iyo Al-shabaab midna weli kama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

PUNTLAND POST