Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Norway

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay wakiilka Norway Heidi Elburgi Johansen.

Kulankan ayaa labada dhinaca uga wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Norway.

Kulanka sidoo kalediirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka.

Dowladda Norway ayaa kamid ah Dowladdaha tageero Soomaliya iyadoo ku bixiso dhaqaalo sidii ay Soomaaliya u heli laheeyd xasilooni waarta.

PUNTLAND POST