Cabdikaafi Cabdixafiid Axmed Warsame oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ayaa xalay lagu dilay magaalada Garoowe.
Marxuum Cabdikaafi oo lagu dilay toorrey ayaa goobta ku geeriyooday sida ay sheegeen goob-joogayaal.
Laamaha Amniga Garoowe ayaa qabtay dad lagu tuhmayo dilkiisa kuwaas oo haatan baaritaan lagu hayo.
Sarkaal ka tirsan Waaxda danbi-baarista Booliiska ee C.I.D ayaa Puntland Post u sheegay in ay baaritaan ku wadaan dad kala duwan oo loo xiray kiiska.
PUNTLAND POST