Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Shirkooda waxay Maanta kulan kula yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta oo ay uga dhegaysan doonaan mar kale cabashooyinka ay ka qabaan Habraaca Doorashooyinka dalka.
Musharaxiinta ayaa Golaha Wadatashiga u gudbinaya cabashooyinka ay ka qabaan daahfurnaan la’aanta Doorashada, waxaana kulankaas Maanta ka qeyb galaya inta badan xubnaha Midowga oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee Soomaaliya.
Shirka Golaha Wadatashiga ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa looga hadlaya sixida waxyaabihii ka khalmaday Doorashada iyo jaangoynta xiliga lasoo gaba-gabeeynayo doorashada.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxda Golaha ay is afgarad ka gaareen Qodobada Shirka intooda badan.
PUNTLAND POST