Gudniinka Dumarka waa jarjaridda xubinta Taranka Gabadha,waxaana ka dhasha dhibaatooyin kala duwan sida ay xaqiijiyeen Dhaqaatiirta Caafimaadka.
Gudniinka Xubinta Taranka ee Dumarku waxay sababi kartaa dhalmo la’aan, waana xad-gudub Xuquuqda Aadanaha.
Gabdhaha lagu sameeyay Gudniinka ayaa ka sheegta dhibaatooyin iyo xanuunno jir iyo maskax ahaanba saameeya Caafimaadkooda.
Dhibaatooyinkiisa waxa kamid ah:
Xanuuno yimaada xilliga Caadada, Kaadida oo aysan ceshan karin, Infekshin, cabsi jaah-wareer, murugo iyo dhibaatooyin kale oo nafsaaniya.
“ Gudniinka waxaan ka dhaxlay dhibaatooyin nololeed oo aan weli iga harin. Maalmihii u horreeyay wan dhiig-baxay, mudda kadib kaadida i dhibtay, haddana xanuun aan harin buu igu reebay” ayay tiri *Caasha* oo lagu sameeyay Gudniinka ( maaha magaceeda saxda ah).
Gudniinka ayaa sidoo kale saamayn taban ku yeesha Nolosha Gabdhaha markay guursadaan, gaar ahaanna bilowga Qoyska iyo xilliyada Dhalmada.
Gabdhaha iyo Haweenka aan la gudin way ka xanuun yar yihiin, ka caafimaad badan yihiin, kana cimri dheer yihiin Haweenka lagu sameeyay Gudniinka.
Gudniinka Xubinta Taranka Dumarka dib looma soo celin karo dhibaatooyinkiisa jir iyo maskax ahaanba gaara Gabadha, laakiin waa laga daaweyn karaa, sida ay sheegayaan dhaqaatiirta.
Gudniinka Dumarka inta badan waxa lagu saleeyaa Dhaqanka. Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada uu ka jiro Dhaqanka Gudniinka Dumarka, balse inta badan dalalka Dunida waa ka mamnuuc Dhaqankaas.
Soomaaliya meela kamid ah Xeerar ayaa laga soo saaray joojinta Gudniinka Gabdhaha, inkastoo ay weli dhaqan-gelin. Waxaase muhiim ah in la dhaqan-geliyo.
10 June 2021, Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ansixiyay Xeer lagu mamnuucay Gudniinka Dumarka, waxaana Xeerka soo dhoweeyay qaybaha Bulshada Puntland oo ay u horreeyaan Ururada Haweenka iyo Bulshada Rayidka ah.
“Waa muhiim in dowladu meelmariso joojinta Gudniinka Gabdhaha” sidaas waxa yiri Muuse Jaamac oo kamid ah Aqoonyahanka Puntland.
Shirar kala duwan oo lagu taageeray Xeerka Joojinta Gudniinka Gabdhaha ayaa lagu qabtay Puntland, islamarkaana looga codsaday in ay ansixiyaan Baarlamanka oo uu horyaal xeerkaas.
Ugu danbayntii, waxa lagama maarmaan ah in la ansixiyo-lana dhaqan-geliyo Xeerka Puntland ku mannuucday Gudniinka Dumarka, si loo ilaaliyo Caafimaadka iyo Nolosha Dumarka.