Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi ka kooban masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda u magacaabay korjoogtaynta, fulinta iyo dabagalka heshiisyadii Shirka nabadaynta, isla markaana si dhaw ula shaqeeya Guddiga Culimada iyo odayaasha dhaqanka.
Guddigan oo ka Kooban 8 xubnood ayaa kala ah.
- Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland. Gudoomiye
- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Gudoomiye ku xigeen
- Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare .Xoghayn
- Jaamac Faarax Xasan Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland.
5. Senator Cabdiqani Geelle Maxamed. Wasiir u dowlaha wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada
- Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad
- Gen. Yaasiin Cumar Dheere.Taliayaha Ciidanka Daraawiishta Puntland
8. Gen. Maxamed Cali Xaashi.Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.
PUNTLAND POST