Maxaa ka soo kordhay Arrintii PSF ee Boosaaso?

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo bandhigo is-faham laga gaaray Arrinta PSF iyo Xukuumadda Puntland sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay.

Dhinacyada ku hawllan Arrintaas oo Puntland Post la xiriirtay ayaa sheegay in arrima yar oo farsamo dhiman yihiin islamarkaana saacadaha soo socda isfaham la shaacin doono.

Dhinacyada ayaa ka gaabsaday in ay xogo hordhac ah ka bixiyaan is-fahamka socda maadaama aan weli la dhammaystirin Hawshaas.

Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo mas’uuliyiin hore ayaa Boosaaso u jooga xallinta khilaafka labada dhinac ee PSF iyo dowladda.

Guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale ku sugan Boosaaso.

PUNTLAND POST