Puntland oo ka hadashay raalligelinta Rooble ee Imaaraadka

Puntland ayaa soo dhaweysay raalligelinta uu Ra’iisul Wasaare Rooble maanta siiyay dowladda Imaaraadka, taas oo la xiriirta lacag 2018 looga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale”.

“Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raalligelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka” ayaa qoraalka la raaciyay.

Puntland ayaa uga mahadcelisay Dowladda Imaaraadka gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, waxayna ku baaqday in gurmadkaasi wada gaaro dhammaan dalka.

PUNTLAND POST