Dimuqraadiyeynta Puntland oo ‘Aaran Jaan Eersatay’

Miyuu Madaxweyne Deni dimuqraadiyeynta u arkaa horukac mise dib-u-dhac?

Garoowe (Wararka PP) — Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax wuxuu eed dusha ka saaray koox aad ugu dhow madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Kooxdan oo loo yaqaanno Aaran Jaan waxay Deni ka weeciyeen marinka dimuqraaddiyeynta, sida uu Guuleed sheegay isaga oo aan xusin magac wadareedka kooxda.

Guuleed wuxuu kale oo sheegay in ismaandhaaf uu dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Deni. Inkastoo Guuleed ka gaabsaday faahfaahinta ismaandhaafka, waxa aan shaki ku jirin in aan isku si loo garanin shaqada guddiga doorashooyinka. Xubnaha gudddiga Doorashooyinka Puntland waxaa saaran xil ah inay dhexdhexaadnimo muujiyaan.

Guuleed Saalax wuxuu ku eedeeyay kooxaha ku dhow Deni curyaaminta dimuqraadiyeynta Puntland.

Urur siyaasadeedka Kaah, oo uu Deni hoggaamiyo, ayaan helin codad ka badan wadarta codadka Mideeye iyo ururka Cadaaladda iyo Sinnaanta, oo doorashadii tijaabada ahayd ee dowladaha hoose kaddib, samaystay isbahaysi siyaasadeed oo ka hor istaagay Kaah inuu yeesho aqlabiyadda Baarlamaanka Puntland haddii kuraasta xildhibaannada lagu saleeyo natiijada doorashada.

Isma oga Aaran Jaan iyo awood-daadejin

Mid ka mid ah tiirarka dimuqraadiyeynta Puntland waa in dowladda Puntland awoodda u daadejiso gobollada. Awood-daadejintu waxay keeneysaa in kheyraad hadda laga maamulo Garoowe ay goboladda iyo degmooyinku maamuli doonaan waayo hadda maamulka Puntland waa madax-ka-nool. “Waa isburin laga yaxyaxo in Puntland Muqdisho ku eedeyso awood-urursi halka ay dowladda Puntland caan ku tahay la dagaallanka awood-daadejinta. Way ii muuqataa in dimuqraadiyeynta Puntland ay eersatay Aaran Jaan” ayuu Wasiir hore oo ka tirsanaa maamul hore u sheegay Puntland Post.

Kooxaha had iyo jeer ku dhowdhow maamulka ka taliya Puntland waxaa lagu eedeeyaa inay dan u arkaan ragaadinta awood-daadejinta. Waxay iskugu jiraan laba goosan: goosan u arka awood-daadejinta tallaabo lagu yaraynayo kaalinta iyo muuqashada Garoowe, iyo goosan u arka dimuqraadiyeynta mid kala dhantaalaysa ku adeegashada awoodda siyaasadeed inta maamulka ay ku dhow yihiin uu calan-walaynayo.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu tunka-weyn maamulka Deni.

Aaran Jaan waxaa ka tirsan xubno kala beel ah oo ku mideysan curyaaminta u gudbista Isla xisaabtan iyo awood-daadejin Puntland dhexdeeda. Eedeynta uu Guuleed u soo jeediyay saxiibbada ku dhow Madaxweyne Deni waxay sii kordhisay shakiga dad badani ka qabaan in siyaasiyiinta Puntland qaarkood diyaar u yihiin samaynta xisbiyo ku tartama awoodda.

Mideeye iyo Caddaalad iyo Sinnaan weli may ka hadlin iscasilaadda Guuleed Saalax iyo rajo-xumada uu ka muujiyay hirgelinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta Puntland. “Haddii labada urur u guuxaan doodda Guuleed Saalax, waxaa dhici doonta in Madaxweyne Deni lagu soo eedeeyo jebinta dastuurka Puntland” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Garoowe ku sugan, codsadayna in aan magaciisa la sheegin.

Puntland hadda ma laha Maxkamad Dastuur oo garsoorayaasheedu u kala garqaadi karaan siyaasiyiinta ismaandhkoodu saameyn ba’an ku yeelan karo maamulka suubban.

© Puntland Post, 2022