Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in xabbad-joojin laga gaaray dagaal beeleedkii maalmo ka hor ka dhacay degaanka Saax-maygaag.
Wefdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo maalmahan ku sugan Saax-maygaag ayaa sheegay in xabbad-joojin laga dhaqan-geliyay degaankaas.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan oo wefdiga kamid ah ayaa sheegay in lagu guulaystay xabbad-joojinta labada dhinac islamarkaana loo gudbayo inta ka harsan nabadaynta.
Wasiirka ayaa tilmaamay in maalinta berriya shir la isu’gu imaan doono si loo dhammaystiro nabadaynta beelaha ku dagaallamay Saax-maygaag.
Halkaan ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST