Waa in aan la siyaasadaynin muranka dhul beeleedka Saaxmeygaag – Faallo

W.Q. Liibaan Axmad

Mas’uuliyadda ilaalinta nabad-ku-wada-noolaanshaha dadku waxay saaran tahay hoggaanka siyaasadeed. Sidee bay colaad dib uga aloosantay dhul beeleedka Saaxmeygaag oo dhowr bilood ka hor heshiis laga gaaray?  Heshiiskii ay kaalinta ka qaateen madaxdhaqameedka uu hoggaaminayay Islaan Ciise waxaa loo baahnaa in hiragalintiisa la sharciyeeyo si looga hortago colaadda dib uga soo cubsoonaatay Saaxmeygaag.

Suurtogal ma aha in Puntland marna odayaasha u dhaafto furdaaminta dhibaatooyinka, marna go’aammada odayaashu noqdaan wax aan guntamin. Waa inaynan illoobin kaalintii ay Boqor Burhaan, Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase ka soo qaateen wax ka qabashada colaado kala duwan oo Sool ka dhacay.

Puntland waxay leedahay sharci ku saabsan xirmaysiga iyo magaaleynta dhulka. Dhulku hadda waa waddada loo maro helista hanti degdeg ah. Dadku waxay arkaan madaxdii hore iyo qoysaskooda oo dhulal badan si sharci-darro ah ku helay, sidaas darteed la yaab ma aha haddii dadku ku mamaan dhul magaalo ku yaalla ama mid miyi ku yaalla. Waajibka in laga hortago in dhul raadintu abuurto colaad wuxuu saaran yahay madaxda siyaasadda.

Ismaandhaafyada dhexmara beelaha waa la maareyn karaa. Dhibta ugu weyn waxay dhalanaysaa marka dadku u qaybsamo in yar oo boosas miyi iyo magaalo ku leh, iyo dad badan oo hanti maguurto ah (dhul/guri) aan lahayn.

Dhul beeleedka Saaxmeygaag waxaa saameyn ku yeeshay dhul-ku-mamidda baahsan oo la xakamayn la’ yahay.

Dhowaan degmada Garoowe waxay shaacisay inay dib u eegis ku sameyn doonto dhulalka dad ay sheegteen, dhulalkaasoo iskugu jira kuwo si sharci ah loo yeeshay iyo kuwo lagu habsaday. Sanadkii hore murannada dhulku waxay gaareen heer qof dhul lahaa lagu qabsado, looguna awood-sheegto maxkamad ku taalla Garoowe eex awgeed.

Tani waxay muujinaysaa in murannadu dhulku yihiin halis nabadgelyo oo Puntland aysan ku baraarugsanayn. Haddii Garoowe sidaa la iskugu awood-sheeganayo maxaa ka dhici kara miyiga ama degmooyinka ka fog xarunta dowladda Puntland?

Eedda ugu weyn waxaa leh maamulka Puntland oo ka seexday xilka ka saaran ka hortagga in murannada dhulku halis ku noqdaan nabad-ku-wada-noolaanshaha. Sidoo kale Puntland waxay lumisay inay iska xilsaarto xallinta muran dhuleedka u dhexeeya maamulka Somaliland iyo maamulka Puntland. Puntland waxay shaqadeedu ku koobnaatay ku doodista soo magacaabista kuraasta labada aqal heer federaal ee Sool. Labadan dhibaato waxay sii huriyaan iska-hor-imaadyada ka dhasha dhulal beeleed lagu muransan yahay sida Saaxmaygaag. 

Mid ka mid ah waaya-aragnimada laga helay colaaddii sokeeye ee Soomaalida waa in siyaaasiyiintu fursado u arkaan iska-hor-imaadyada, iyagoo u arka inay dano siyaasadeed ku gaarayaan. Puntland waa inay xusuusnaato in nabadgelyada ka jirta Puntland ay ka soo jeeddo nabad ka shaqeyntii madax-dhaqameedkeedka sida marxuum Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo kaalin mug leh ku lahaa heshiisyo nabadeed loo aayey xilli colaado ba’ani koonfurta ka socdeen.

Way caddahay in colaadda Saaxmeygaag ay salka ku hayso dhul-ku-mamid.  Waa in aan la siyaasadeynin muranka ku saabsan dhul beeleedka. Waa in meel looga soo wada jeesto ka hortagga in koox yari oo u dhul u gaajeysan ay shidaan colaad ka soo kabashadeedu muddo dheer qaadan karto.

Liibaan Axmad

libahm@gmail.com

Fikradda faalladani xambaarsan tahay waa mid u gaar ah qoraha.