Sarkaal Taliye Sirdoon ka soo noqday Somaliland oo loo magacaabay Af-hayeenka PSF

Agaasimaha Hay’adda PSF S/Guuto, Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr ayaa markii u horraysay magacaabay Af-hayeenka Ciidanka PSF.

Amiin Xaaji Khayr ayaa Af-hayeenka PSF u magacaabay, Cabdulqaadir Cali Xirsi (Cabdi Bafle) oo mar soo noqday Taliyaha Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool.

Af-hayeenka cusub waxay walaalo yihiin, islamarkaana Sirdoonka Somaliland ka soo saaray Wasiirka Warfaafinta Puntland Senetor, Cabdullaahi Cali Xirsi Cartan.

Arrintaas ayaa ku soo beegantay, xilli aan weli la xallin khilaafkii ka dhashay xilka qaadista Agaasimihii PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

PUNTLAND POST