Madaxweyne Deni iyo saaxiibadiis oo lagu eedeeyay curyaaminta dimuqraadiyadda Puntland

Guddoomiyihii hore ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni iyo saaxiibadiis curyaaminta barnaamijka dimuqraadiyadda Puntland.

Guuleed Saalax Barre oo maanta wareejiyay xilkii guddoomiyenimo ee Guddiga ayaa sheegay in ay Madaxweyne Deni isku fahmiyaayeen dhismaha goleyaashii deegaanka ee la doortay bishii October sanadkii hore (Qardho, Eyl iyo Ufeyn), tayeynta hay’adda caddaaladda iyo miisaaniyadda dowladda ee guddiga loogu talagalay.

Guuleed Saalax wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Puntland uusan ku qanacsanayn dhexdhexaadnimada guddoonka guddiga doorashooyinka, iyaguna ku qanciwaayeen caqabado isa soo taraya oo waxba laga qabanwaayay.

Sidoo kale Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan kooxo abaabulan oo qaarkood wasiiro yihiin oo barnaamijka dimuqraadiyadda Puntlnad la dirirayay tan markii ay shaqada bilaabeen guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Hoos ka daawo Guuleed oo ka hadlaya arrimahaas.

PUNTLAND POST