
Qaar kamid ah wadayaasha takaasida magaalada Boosaaso ayaa la xiray, kadib markii lagu eedeeyay in ay warar abeen-abuur ah faafinayeen, si looga bara-kaco magaalada.
Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay saddex nin oo ku eedaysan in ay hormuud u ahaayeen qalqal gelinta bulshada iyo warar been-abuur ah, si ay lacag uga sameeyaan bara-kicinta shacabka Boosaaso.
Sidoo kale, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare, Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin u jeediyay dadka ku hawllan wararka been-abuurka ah ee lagu qalqal gelinayo Boosaaso.
“Dad Takaasiley ah ayaa dadka Boosaaso barakicinaya, si ay lacag u helaan, waxaan leeyahay ka waan tooba, dhammaan ciidamadana waxaan faraynaa in ay sugaan ammaanka” ayuu yiri Dirir.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.