Al-shabaab iyo Daacish oo ku dagaallamay buuraleyda Gobolka Bari

Wararka ka imaanaya buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Daacish.

Dagaalka labada dhinac ayaa maalin ka hor ka dhacay togga lagu magacaabo Il-cameyra oo ku yaalla Cal-miskaad sida ay xaqiijiyeen macluumaad dhinaca sirdoonka ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii malayshiyaadka Daacish ay weerar kedis ah ku qaadeen koox ka tirsan Shabaab oo sahan dhuumasho ah ku tegay halkaas.

Malayshiyaadka Daacish iyo Shabaab oo dagaallamay ayaan la ogayn khasaaraha kala gaaray.

PUNTLAND POST