Wararkii ugu dambeeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho

Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad shir looga hadlayo doorashada Soomaaliya uga socdaa magaalada Muqdisho.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulamo la qaatay wakiilada Beesha Calaamka u fadhiya Muqdisho iyo xubnaha la magacbaxay Midowga Musharaxiinta.

Xubnaha Beesha Calaamka ee la kulmay Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa kamid ah Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, Safiirka Ingiriiska Kate Foster, sii hayaha safaaradda Maraykanka Colleen Crenwelge iyo safiirada Turkiga, Shiinaha, Qadar iyo Itoobiya waxay Madasha la wadaageen walaaca ay ka qabaan doorashada daba-dheeraatay iyo dib u dhaca dowladnimada Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarka.

Beesha Caalamka waxay ugu baaqday Madaxda in la horumariyo habraaca doorashada, oo ay ka mid tahay in la saxo khaladaadka ku jira xeerarka habraacyada iyo in la xaqiijiyo waqtiyo cad oo loogu talagalay in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Dhanka kale Midowga Musharaxiinta ayaa u soo jeediyay Golaha Wadatashiga Qaranka qodobo ay ka mid ahaayeen in dib loogu laabto dhammaan kuraasta doorashadooda lagu muransan yahay, lana buriyo go’aankii ay gaareen guddigii xalinta khilaafaadka ee dib u habeynta lagu sameeyay, sidoo kale waxay soo jeediyeen in ergada doorashada ay soo xulaan 135 oday dhaqameed, dowlad goboleedyadana uu doorkoodu ku ekaado fududeynta iyo amniga doorashooyinka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta berriya, lagana soo saaro war-murtiyeed.

PUNTLAND POST