Siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulka Somaliland oo diiddan furista ururrada siyaasadda

Hargeysa (Wararka PP) — Go’aankii madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku sheegay in ururrada siyaasadeed la furan karo ayaa war naxdin leh ku noqday xisbiyada Waddani iyo UCID.

Hoggaanka sare ee labada xisbi siyaabo kala duwan ayay uga falceliyeen hadalka Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi wuu taageersan yahay furista ururrada siyaasadda.

Guddoomiyihii Waddani ahna murrashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sheegay “in madaxweynayaashu furan yihiin haddii ururradu furan yihiin”. Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe wuxuu ku tilmaamay Biixi hoggaamiye “soo celinaya colaaddii 1994kii”. Waraabe wuxuu dhowaan qabtay shirweyne oo waxaa dib loogu doortay inuu sii ahaado guddoomiyaha xisbi uu asaasay 21 sano ka hor.

Faysal Cali Waraabe: “Muuse Biixi wuu aloosayaa colaad u dhiganta tii 1994kii.”

Tobankii sanadba maamulka Somaliland wuxuu abaabulaa tartan xisbiyada jira iyo ururrada siyaasadeed ugu tartamaan inay xisbi sii ahaadaan (kuwa xisbiyada ah) ama xisbi noqdaan (ururrada siyaasadeed). Seddex xisbi uun baa soo bixi kara. Sanadkii 2012kii laba xisbi — Kulmiye iyo UCID — ayaa ku guuleystay inay xisbi si ahaadan, halka Waddani, oo ahaa urur siyaasadeed, u dallacay xisbinimo.

Maxay u didsan yihiin Cirro iyo Waraabe?

Labada hoggaamiye waxay guulo ka gaareen doorashooyinkii baarlamaanka ee 2021kii. Isbahaysi ay samaysteen ayaa yareeyay awoodda Madaxweyne Biixi, oo xisbigiisu ka qoomamaynayo go’aankii jideeyay in doorashooyinka madaxtooyada iyo barlamaanku dhacaan laba waqti oo kala duwan.

Waraabe wuxuu ka welwelsan yahay in UCID daadka raaci karo haddii ururrada la furo. “Ujeeddada Muuse Biixi waa inuu kala dhantaalo awoodda labada xisbi ay hoggaaminayaan laba siyaasi oo isku beel ah marna isku xisbi ahaa” ayuu gorfeeye siyaasadeed yiri. Wuxuu intaas ku daray in Biixi ku taagan yahay sharciga marka u dhowrayo tartan siyaasadeedka toban sanadlaha ah iyo furista ururrada siyaasadda.

Cirro: “Haddii xisbiyadu furan yihiin madaxweynayaashu way furan yihiin.”

Cirro iyo Faysal waxay si kala gaar ah Muuse Biixi ugu eedeeyeen inuu ka dambeeyay barakicintii Laascaanood ka dhacday, waana dood ay sidoo kale la wadaagaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed loona gudbiyay Beesha Caalamka, iyagoo ku eedeynaya Biixi amar-ku-taagleyn.

Cabsida ugu weyn oo haysa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe waa mid la xiriirta suurtogalnimada in beelaha kale furtaan ururro siyaasadeed. Biixi wuxuu ku tilmaamay isbahaysiga UCID iyo Waddani mid ku qotoma casabiyad si ay u qabsadaan awoodda siyaasadeed ugana hantiyeystaan.

Haddii ururrada siyaasadda samaysmi doona iyo xisbiyada jira ay tartamaan waxay u badan tahay in UCID ama Waddani midkood uu lumiyo martabadda xisbinimo. Waa sababta UCID iyo Waddani uga soo horjeedaan furista ururrada. Waxaa hirgelinta go’aanka Biixi baajin kara uun beddelista xeerka xisbiyada maamulka Somaliland. “Suurtogal ma aha in xeerka xisbiyada la beddelo si loo qanciyo Cirro iyo Faysal” ayuu gorfooyaha siyaasadeed ku daray.

© Puntland Post, 2022