Xiisad dagaal oo ka taagan Beledweyne

Xiisad dagaal ayaa ka aloosan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xiisadda ayaa u dhexaysa Ciidamo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan iyo Ciidamo beeleed ka horjeeda.

Ciidan beeleedka oo doonaya in Hirshabeelle laga saaro Beledweyne waxaa hoggaaminayaan Jeneraal Abukar Xuud iyo sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.

Labada Ciidan ayaa sida la sheegay isku horfadhiya gudaha magaalada Beledweyne halkaas oo ay xalay fariisimo ka samaysteen Ciidamo beeleedka taabacsan Gen. Xuud iyo Nuur Dheere.

PUNTLAND POST