Islaan Ciise iyo suldaan Siciid oo gaaray Saax-maygaag

Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ay weheliyaan qaar kamid ah Cuqaasha iyo Nabaddoonada Gobolka Nugaal ayaa gaaray dhulkii shalay lagu dagaallamay.

Islaan Ciise iyo suldaan Siciid ayaa la kulmay Garab kamid ah dhinacyadii dagaallamay si loo joojiyo xiisadda colaadeed ee labada dhinac islamarkaana loo bilaabo waan-waan nabadeed.

Xaaladda Saax-maygaag ayaa maanta deggan kadib dagaal khasaare xooggan gaystay oo halkaas shalay ku dhexmaray labada dhinac.

Colaaddaas oo soo noq-noqotay ayaa salka ku haysa muran ka taagan degaamaynta Saax-maygaag iyo Senge-jebiye.

PUNTLAND POST