Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa haatan u amba-baxay degaanka Saax-maygaag halkaas oo shalay dagaal ku dhexmaray laba beelood.
Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhinacyada ku dagaallamay degaanka Saax-maygaag si loo joojiyo xiisadda colaadeed.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa halkaas joogi doona inta laga kala qaadayo dhinacyada dagaallamay sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.
Sidoo kale Isimada dhaqanka labada dhinac ay bilaabeen waan-waan nabadeed oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalkaas.
PUNTLAND POST