
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sharaxaad ka bixiyay amar uu bixiyay oo ahaa in la soo saaro ciidanka NISA ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in amarkiisu quseeyay oo kaliya ciidamada dharcadda NISA ee ka hawlgala gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, hase ahaatee uusan quseyn ciidanka gacanta ku haya baraha koontoroolada garoonka ee ka tirsan NISA.
“Isbedelka la xiriira ciidamada NISA ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya ciidamada dharcadda ah ee ka hawlgala gudaha garoonka diyaaradaha (Terminal-ka) ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, markii hadal hayn badan ka dhalatay qoraal uu u diray NISA.
“Ma quseeyo ciidamada gacanta ku haya baraha koontoroolada ee laga galo garoonka Aadan Cadde” ayuu ku daray qoraalka.
Waa markii labaad oo maalmo gudahood uu Wasiirka Amniga amar dul-dhigo NISA, maalmo ka hor ayuu faray in ay soo caddeeyaan sababta uu u xiran yahay Mukhtaar Roobow.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.