
Sanadkii hore markii Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo sheegay inuu mar isku dayay inuu xafiis metela Jubaland ka furo Nayroobi oo ay safaarad Soomaaliyeed ku taallo, eedeyn buu la kulmay sheekada uu sida daacadnimada ah ula wadaagay dadka mar uu Garoowe booqanayay.
Hadda oo uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sawirka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dejiyay xafiiskiisa, amrayna in warka ku saabsan madaxweynaha aan laga sii daynin warbaahinta dowladda, dadku wax eedeyn ah uma soo jeedinin Rooble oo dhaawacay astaan ka mid ah astaamsmaha qarannimada Soomaaliya.

Marka laga reebo Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, murashixiinta iyo madaxweynayaashii hore may ka hadlin waxa u eg afgambinta madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku kacay Ra’iisal Wasaare Rooble.

Rooble wuxuu Soomaaliya qarannimadeeda u geystay dhaawac. Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya shisheeye cunsuriyad ku dhaata oo uu ka mid yahay Matt Bryden iyo kuwo ka caawiya meel ka dhaca uu u geysto sharafta dadka Soomaaliyeed oo uu madaxweynahooda ku tilmaamay mid mudan in la musaafuriyo.

Waa inaynan ka aamusin madaxda qaarkood marka ay ku tumanayaan astaamaha qarannimada Soomaaliya. Soomaaliya uma baahna hoggaamiyeyaal garasho qabqable leh heer walba.
Cumar Sheekh Cabdiraxmaan, London
You must be logged in to post a comment.