Siciid Deni iyo James Swan oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Muqdisho, ayaa halkaas kulan gaar ah kula yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Madaxweyne, Siciid Deni iyo Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sida wararku sheegayaan kulankooda uga wada-hadlay Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka ku soo beegmay, xilli todobaadkan lagu wado in uu Muqdisho ka qabsoomo Shir ku saabsan dhammaystirka Doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in ay shirkaas ku shaaciyaan jadwalka ay ku dhammaystirmi doonto Doorashada dalka.

PUNTLAND POST