Amiin Xaaji Khayr: Tuutihii Ciidanka PSF wuxuu galay gacanta Cadowga

Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto, Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr ayaa markii u horraysay sheegay in uu Tuutaha ka beddelay Ciidanka PSF.

Agaasime Amiin Xaaji Khayr, ayaa sheegay in Tuutihii hore ee Ciidanka PSF uu faraha ka baxay, islamarkaana gacanta cadowga galay, sidaas darteedna la beddelay.

S/Guuto Amiin Xaaji, ma caddayn cadowga uu gacanta u galay Tuutihii Ciidanka PSF, inkastoo uu xusay in Ciidankii iyo Cadowgii la kala garan waayay.

Hadalkan ayuu ka jeediyay saldhig Ciidan oo ku yaalla Galgala, halkaas oo uu shalay booqday.

PUNTLAND POST