Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.
Qoraal uu Barta Twitter-ka soo dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayuu ugu baaqay Madaxda Soomaaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashada iyo in ay is-xakameeyaan si uusan u dheeraan khilaafka Siyaasadeed.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa dhankiisa siiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Warbixin uu ku cadeeyay sida ay muhiim ugu tahay in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.
PUNTLAND POST