Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo maanta ku wajahan Boosaaso

Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo uu weheliyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa in ay maanta u amba-baxaan Boosaaso.

Mas’uuliyiintaas ayaa qayb ka ah dedaalada lagu xallinayo is-marin-waaga ka taagan xilka qaadista Agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Sidoo kale waxa maalmo ka hor Boosaaso gaaray qaar kamid ah Isimada Puntland oo doonaya in ay xalliyaan murankaas ka dhashay xilka qaadista Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimihi hay’adda PSF.

PUNTLAND POST